Xuutiyiinta Yemen oo udhaartay dhammaan maraakiibta ku wajahan Israa’iil

Author picture

Cadan Dec 09,2013(SDN/QJ)-Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay wixii ka danbeeya maanta oo Sabti ah inay beegsan doonaan dhammaan maraakiibta ku wajahan Israa’iil, iyadoo aan loo eegi dooning wadanka laga leeyayahay, waxayna uga digeen dhammaan shirkadaha caalamiga ah ee maraakiibta inay la macaamilaan dekedaha Israa’iil.

Kooxdan la safan Iran ayaa kor u qaadaysa khatarta colaadda gobolka iyada oo ay jiro duqayn aad u culus  oo ay Israa’iil kuhayso Falastiiniyiinta.

Xuutiyiinta ayaa weerar ku qaaday oo qabsaday dhowr maraakiib oo xiriir la leh Israa’iil oo marayey badda cas iyo marinkeeda Bab al-Mandab, kaas oo ah marin badeed la marsiiyo saliidda ugu badan adduunka, waxayna gantaallo ballistic ah iyo diyaarado hubaysan ku garaaceen Israa’iil.

Saraakiisha Xuutiyiinta ayaa sheegay in ficiladooda ay muujinayso taageerada ay u hayaan Falastiiniyiinta.

Israa’iil waxay sheegtay in weerarrada lagu qaaday maraakiibta ay ahaayeen “ficil argagixisanimo oo Iran ay ka danbeysay” oo cawaaqib ku leh amniga badaha caalamiga ah.

Afhayeen u hadlay milateriga Xuutiyiinta ayaa sheegay in dhammaan maraakiibta u shiraacda dekedaha Israa’iil ay ka mamnuuc yihiin badda cas iyo badda Carabta.

“Haddii Gaza aysan helin cuntada iyo daawada ay u baahan tahay, dhammaan maraakiibta ku sugan badda cas ee ku xiran dekedaha Israel, iyadoon loo eegin lahaandho ahaan, waxay noqon doonaan bartilmaameedka ciidamada qalabka sida,” ayuu afhayeenka ku yiri hadal uu soo saaray.

Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu dambeeyay, saddex markab oo ganacsi ayaa lagu weeraray biyaha badweynta ah usbuucii hore, taasoo keentay in ciidamada badda ee Mareykanka ay soo farageliyo.

Xuutiyiinta oo maamula inta badan dalka Yemen iyo xeebaha badda cas, ayaa sidoo kale bishii hore gacanta ku dhigay markab nooca xamuulka ah oo laga leeyahay dalka Britain, kaasoo xiriir la lahaa shirkad Israel laga leeyahay.

Mareykanka iyo Britain ayaa cambaareeyay weerarada lagu qaaday maraakiibta, iyagoo ku eedeeyay Iran ineey ka danbeyso oo ay taageeroto Xuutiyiinta. Tehran ayaa sheegtay in xulafadeeda ay go’aanadooda qaataan si madax-banaan.

Sacuudi Carabiya ayaa ka codsatay Mareykanka in ay muujiyaan dulqaad ay kaga jawaabayaan weerarada.

Share this post :

Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest

Create a new perspective on life

Your Ads Here (365 x 270 area)
Latest News
Categories

Subscribe our newsletter

Purus ut praesent facilisi dictumst sollicitudin cubilia ridiculus.