Maraakiibta Caalamiga oo Kordhinaya Lacagta Konteynarada Amnixumida Badda Cas Awgeed

Author picture

Qaar ka mid ah shirkadaha maraakiibta ee ugu waaweyn adduunka, sida Maersk iyo CMA-CGM ayaa ku soo rogi doona lacago dheeraad ah Kontaynerada ay qaadaan ka dib markii ay bilaabeen iney maraakiibta kasoo wareejiyaan wado dheer iyakoo ka fogaanaya Badda Cas iyo amni xumideeda. 

Kharashaadka dheeriga ah, ee loogu talagalay in lagu daboolo safarrada dhaadheer ee Afrika dhinaca kale laga soo marayo ayaa kor uqaadaya qiimaha containerada  marka la barbar dhigo waddadii horey ay uistcmaali jireen oo ahayd Badda Cas iyo marinka Suweys.

Maersk iyo CMA-CGM ayaa ah shirkadihii ugu horreeyay ee soo bandhigay khidmadaha kor ukacay, waxaana ku xigay Hapag-Lloyd oo Jarmalka laga leeyahy isna sheegay inuu kordhin doono kharashaadka kontaynerada.

Saddexdan shirkadood ayaa ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn kuwa kontaynerada qaada oo hakiyay maraakiibta isticmaaleysay marinka Badda Cas ilaa iyo kanaalka Suweys. Marinkan oo ah marinka ugu dhaqsaha badan dhinaca badda oo isku xidha Aasiya iyo Yurub.

Hada waxay maraakiibtooda ku amreen ineey kasoo wareegaan Cape of Good Hope oo kutaala cirifka koonfureed ee Afrika, taasoo ku daraysa ilaa 10 maalmood oo dheeraad ah safar kasta oo caadiyan qaadanjiray ilaa 27 maalmood oo Shiinaha ilaa waqooyiga Yurub ah.

Iyaga oo soo xiganaya “xaaladaha cakiran ee Badda Cas,” Maersk waxay tiri dabayaaqadii Khamiista waxay ku soo rogtay qarashka carqaladaynta gaadiidka degdega ah (TDS) si ay u daboosho kharashaadka dheeraadka ah ee la xidhiidha safarka dheer.

Hapag-Lloyd waxa ay qirtay  in ay wadada dheer soo marsiin doonto 25 markab ilaa iyo dhamaadka sanadkan si ay uga fogaato Badda Cas.

Safarkan dheer shirkadaha kacabanaya waxaa kamid ah shirkada baabuurta ee ‘Geely’ oo laga leeyahay Shiinaha oo sheegtay in iibkeeda baabuurta korantada ay u badan tahay in ay waxyeelo ka soo gaarto dib u dhaca ku yimid keenista Yurub.

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay ciidamo caalami ah oo ilaalin doona badda cas, balse ilo-wareedyo dhanka maraakiibta ayaa sheegaya in wali aysan soo bixin faahfaahin dheeraad ah, shirkaduhuna ay sii wadandoonaan inay ka fogaadaan aaggaas.

Share this post :

Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest

Create a new perspective on life

Your Ads Here (365 x 270 area)
Latest News
Categories

Subscribe our newsletter

Purus ut praesent facilisi dictumst sollicitudin cubilia ridiculus.