Fiilooyinka Isgaarsiinta Internetka Badda Cas Hoosteeda mara oo go-ay

Author picture

Waxaa ku waxyeeloobay ugu yaraan afar fiilooyinka fiber obtika ah ee badda hoosteeda mara, dhinaca Badda Cas, kuwaas oo qaada ku dhawaad ​​97% dhammaan taraafikada internetka.

Isgaarsiinta HGC, oo ka shaqeysa isgaarsiinta Hong Kong, ayaa ka warbixisay afarta fiilood ee “go’ay” dhinaca Badda Cas, kuwaas oo kala ah: SEACOM, TGN, Africa Asia Europe-One iyo Europe India Gateway.

HGC waxay sheegtay in burburku uu saameeyay qiyaastii 25% taraafikada internetka, kaas oo hadda lasoo marsiinayo dalka Shiinaha iyo bariga Maraykanka.

SEACOM, oo ah bixiye Afrikaan ah oo fadhigoodu yahay Mauritius, ayaa wargeyska Wall Street Journal u xaqiijiyay in xadhigooda Badda Cas uu waxyeelo soo gaaray, dayactirkuna uu sugi doono ilaa qaybta labaad ee sanadkan hada lagu jiro 2024 sababo laxariira xasillooni darro ka socota gobolka.

Fiilada Yurub India Gateway waxaa dhisay shirkad ay leeyihiin maalgashadayaal, oo ay ku jiraan shirkadaha waaweyn ee isgaarsiinta Mareykanka AT&T iyo Verizon, laakiin ilaa iyo hada shirkadu ma xaqiijin in dhacdadan uu saameeyay adeegeeda.

Tata Communications, oo ah shirkadda isgaarsiinta Hindiya ee maamusha fiilada TGN, ayaa xaqiijisay in fiiladoodu waxyeelo kusoo gaaray meel u dhow Yemen, adeegga qaarna uu go’ay ama dib loo celiyay.

SEACOM, AT&T, iyo Verizon oo dalka Mareykanka laga leeyahay kama aysan hadlin ineey fiilooyinkooda wax soo gaareen, dowlada Mareykanka iyaduna kama aysan hadlin.

War saxaafadeed ay Xuutiyiinta soo saareen Talaadadii la soo dhaafay, ayay xukuumadda ay Xuutiyiintu maamulaan ku sheegtay in ay “rabto in ay ka fogeeso dhammaan khatar kasta oo ku imaankarta fiilooyinka badda hoostooda mara ee isgaarsiinta iyo adeegooda la xiriira,” waxayna sidoo kale ballan-qaadday in ay fududeynayso adeegkasta oo loogu talagalay fiilooyinka si loo dayactiro. .”

Waxaa laqiyaasayaa ineey fiilooyinkaan Bada Cas hoosteeda mara waxyeelo ka soo gaadhay markabkii dhawaan ku degay ee loo yaqaanay Rubymar ee laga lahaa dalka Ingiriiska, kaas oo ay Xuutiyiintu beegsadeen 18-kii bishii February, shaqaalihii la socdayna ay ka tageen. Markabkan ayaa maalmo dhex mushaaxayay badda cas, isagoo barroosinkiisa ku jiidayay sagxadda badda, halkaasoo laga yaabo inuu jaray fiilooyinka qaar kamid ah. Afhayeen u hadlay SEACOM ayaa u sheegay wargayska Wall Street Journal in ay “macquul tahay” in xadhigooda uu waxyeeleey markabka Rubymar, kaas oo hada quusay, balse shirkaddu wali ma aysan xaqiijin. 

NGOda loo yaqaan Guddiga Ilaalinta Cable-ka Caalamiga ah oo fadhigeedu yahay U.K., ayaa sheegtay in celcelis ahaan 150 shil ay dhacaan sannad kasta kuwaas oo waxyeello u geysta fiilooyinka badda hoosteeda, intooda badana waxaa sababa hawlo ay ka mid yihiin kalluumeysiga.

Share this post :

Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest

Create a new perspective on life

Your Ads Here (365 x 270 area)
Latest News
Categories

Subscribe our newsletter

Purus ut praesent facilisi dictumst sollicitudin cubilia ridiculus.