Ciidamada Badda Hindiya oo helay markab Bulgaria laga leeyahay oo lawaayay maalmo

Author picture

Ciidamada badda ee Hindiya ayaa Sabtidii 16-kii December sheegay inay heleen markab Bulgaria oo laraadinayay ilaa 14-kii December oo ah markii uu khadka kabaxay.  Intaa waxaa dheer, markabka dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya ayaa ku waramaya in ay ka agdhowyihiin markabka si dhowna ula socdaan xaaladda, isla markaana ay la shaqeynayaan hay’aydaha kale ee badda.

Xidhiidhka markabkan oo la dhisay 2016 kana diiwaan gashan Malta ayaa lumay xilli uu ku dhawaad ​​380 mayl-badeed bari ka xiga jasiiradda Socotra ee dalka Yemen ee badda Carabta. Markabkan oo lagu qiyaasay 41,600 dwt, ayaa ka yimid Kuuriya kuna sii jeeday dalka Turkiga. Waxaa saaran 18 shaqaale ah oo ay ku jiraan sideed u dhashay Bulgaria.

Alexander Kalchev, oo ah agaasimaha shirkadda, ayaa xaqiijiyay in ay jirto “xaalad amni,” oo dhinaca markabka ah. Isagoo la hadlayay TV-ga Bulgaariya, wuxuu yiri “Waxaan fileynaa in kooxaha afduubka geystay ay nala soo xiriiraan, goobta markabka markii ugu dambeysay laga helay ma ahan meel burcadbadeed leh.”

Wararka ayaa sheegaya in aysan kala cadeyn maadaama aysan jirin wax xiriir ah oo la sameeyay haddii dhacdadani ay la xiriirto dhibaatooyinka hadda ka jira Yemen ama ay ku lug leedahay burcad badeedd.

Share this post :

Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest

Create a new perspective on life

Your Ads Here (365 x 270 area)
Latest News
Categories

Subscribe our newsletter

Purus ut praesent facilisi dictumst sollicitudin cubilia ridiculus.