By: Ahmed Ali
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxeexay xeer burinaya heshiis is afgarad (MoU) ah oo 1-dii Janaayo 2024 ay Somaliland iyo dalka Itoobiya kukala saxiixdeen Adis-Ababa, kaas oo Somaliland Itoobiya u ogalaatay in eey ka dhisato saldig ciidan badeed xeebta Saylac dhinaceeda.
Somaliland waxay ogolaatay in ay ciddamada Itoobiya qaataan xeeb gaaraysa 20 km kuna bedelatay balanqaad ay Itoobiya ka heshay oo ah in ay Itoobiya “daraaseendoonto aqoonsiga gooni isutaaga Somaliland”. Dawlada Soomaaliya ayaa muujisay inuu is afgaradkaan yahay waxba kama jiraan maadaama aysan Somaliland awood ama sharci ay ku bixiso dhul ama badd umada soomaliyeed kawada dhaxeyso aysan laheen.
Sheegashada Itoobiya ee 20km ee xeebta Soomaaliya, marka lagu eego muraayadda sharci badeedka Qaramada Midoobay ee UNCLOS, waxay daaha ka qaadaysaa shabakad adag oo sharci ah oo dhaqaalaha, amniga iyo jiritaanka Soomaliya intaba mugdi galinaysa.
Hadaba aynu eegno dhibaatooyinka ka imaankara hadii ay Itoobiya saldhig ciidan badeed kasameysato badda Soomaliya, welibana dhinaca Saylac.
Hadii ay ay dhul xeebeedkan Itoobiya lawareegto, isla markiiba waxey noqoneysaa qaran badd leh oo welibana xuduud badeedkeedu gaarayao ilaa Yemen. Badda ay yeelanayso waxey noqonaysaa mid kala goysa xaga badda Jabuuti iyo Soomaliya maadaama uu sharci badeedka Qaramada midoobay ee UNCLOS uu siianayo qaran kasta oo badd leh awood uu ku kontroolo doomaha iyo maraakiibta maraya xeebihiisa.
Sida ku cad UNCLOS, wadamada xeebaha leh waxay xaq u leeyihiin inay sheegtaan dhul-badeed loo yaqaanTerritorial waters. Dhul badeedkani waa 22 km oo badda gudaha loo galayo, qofkasta ama gaadiidkasta oo soo dhexgalana lagula macaamilayo sharciga dalka dhul badeedkaas iskaleh. Hadii ay arintani Itoobiya uhirgasho, doonkasta ama markabkasta oo 22km badda gudaheeda dhinaca Saylac soo gala, waxaa qabanaya sharciga dalka Itoobiya.
UNCLOS waxeey dalkasta oo badd leh awood usiinaysaa inuu baddaas ka hirgeliyo sharciyada xuduudihiisa badda, oo ay ku jiraan kuwa la xidhiidha kastamka, socdaalka iyo ilaalinta deegaanka.
Waddamada leh dhul-badeedku waxay xaq gaar ah u leeyihiin ka faa’iidaysiga iyo maamulida khayraadka ku jira baddaas, oo ay ku jiraan ka faaiidaysiga kalluunka, macdanta, iyo khayraadka kale ee dabiiciga ah. Kalluumaysatada Soomaaliyeed ee raba ineey ka kalluumaystaan xeebaha Saylac waxay ku khasbanaan doonaan inay fasax ama shati ka dalbadaan Itoobiya. Shidaalka iyo gaaska laga baarayo baddan kheyraadka badan leh ayaa sidoo kale hoos imaan doona gacanta Itoobiya.
In ay saldhig ku yeelato goobtan oo aadka strategic u ah waxay u sahlaysaa Itoobiya in ay maamusho marinka muhiimka ah ee Bab-el mandeb oo ay welibana dekedaha Jaibuuti, Eritera, Yemen iyo Soomaliya cuna qabateyn ku soo rogi karto xiligeey doonto.
UNCLOS wuxuu awood u siinaya dawladaha xeebaha leh madax banaani oo ay kaligood ku maamuli karaan 200 mayl-badeed oo loo yaqaan Exclusive Economic Zone, halkaas oo ay u madax banaanyihiin sahaminta iyo isticmaalka kheyraadka badda, oo ay ku jiraan kalluumeysiga, saliidda iyo gaaska, iyo wax kasta oo ku saabsan dhaqaalaha badda.
Wadamada badda leh waxaa kale oo ay UNCLOS ubaneenaysaa oo ay xaq u leeyihiin ineey sehegtaan 350 mayl-baddeed ama 648km oo ay kaligood ka faa’iidaystaankaraan khayraadka dabiiciga ah iyo macdanta ku jirta sariirta badda iyo dhulka hoostiisa ee qalfoofka qaarada.
Axdiga sharci badeedka Qaramada Midoobay ee UNCLOS wuxuu muujinayaa muhiimadda ay leedahay in la fahmo waxyaabaha ku hoos aasan sheegashada Itoobiya ee badda Soomaliyeed.