Maraakiibta Hapag iyo MSC oo la weeraray iyadoo Xaalada Badda Cas ay kasii darayso

Author picture

Xaalada Badda Cas ayaa sii xumaanaysa iyadoo kooxda Xuutiyiinta ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan maraakiibta, iyagoo wacad ku maray inay joojinayaan dhammaan maraakiibta xiriirka la leh Israel. Labada shirkadood ee Hapag-Lloyd iyo MSC Mediterranean Shipping Company waxay xaqiijinayaan wararka sheegaya in maraakiibtooda la weeraray halka Xuutiyiintu ay sheegayaan in ay weerarrada bilaabeen ka dib markii maraakiibtu ay ka jawaabi waayeen amarro ay kusoo rogtay oo ah in aan aysan gelin badda cas ama in aysan usoo dhoowaan Yemen.

Maraakiibta dagaalka ee Maraykanka, Faransiiska, iyo Ingiriiska oo loo soo diray gobolka, iyo sidoo kale xulafada kale, way awoodi waayeen inay ka hortagaan weerarradii maanta. Afhayeen u hadlay Maraykanka oo aan is muujinin ayaa sheegay in markab dagaal oo Maraykan la soo diray weerarrada ka dib si uu gargaar u bixiyo, balse waxay u muuqataa in aanay wax maraakiib dagaal ahi ka ag dhowayn maraakiibta la bartilmaameedsaday, isla markaana aan la isku dayin in lagu soo rido diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ama gantaalaha. Hawlgalka Ganacsiga ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa digniin soo saaray goor hore oo maanta ah oo ay ku sheegeen inay hayaan warbixin ku saabsan markab yar oo caddaan ah oo dusha madaw ah iyo 10 qof oo la socday oo ku dhawaaday ugu yaraan hal markab oo ay sheegeen inuu yahay ciidamada badda Yemen, kuna amray in uu u shiraacdo dhinaca dekedda Yemen,

Hapag-Lloyd ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah markabkiibteeda uu ku dhacay madfac, waxaana soo gaaray burbur inkastoo shaqaalihii saarnaa aysan wax dhaawac ah soo gaarin. Markabka Al Jasrah ee ka diiwaan gashan dalka Liberia (149,380 dwt) ayaa iyadana la weeraray waxaana kala caddayn in ay ka timid diyaarad aan duuliye lahayn ama gantaal. Wararka ka imaanaya UKMTO ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax, waxaana dab yar oo ka dhashay markabka ay damiyeen shaqaalihii saarnaa. US CENTCOM waxay sheegtay inay rumeysan tahay in markabkan uu ku dhacay diyaarad nooca UAV ah oo laga soo riday dhulka Xuuthiyiinta, xilli uu ku socdaalayay koonfurta badda cas.

Al Jasrah oo la dhisay sanadkii 2016-kii ayaa qaadi kara 14,500 oo TEU ayaa lagu soo waramayaa in uu ka soo ambabaxay magaalada Piraeus ee dalka Giriiga kuna sii jeedo Singapore. Markabka ayaa markii la weeraray waxa uu 30 mayl koonfur-galbeed kaga beeganaa dekedda Mokha ee dalka Yemen oo ku taalla agagaarka gacanka Bab El Mandeb. La-taliyayaasha dhinaca ammaanka ee UK Ambrey ayaa warbixinteeda ku sheegtay in markabka lagu weeraray dhinaca dekedda uu geystay khasaare. Hal konteenar ama in ka badan ayaa loo malaynayaa in ay badda ku bas beeleen,sababo la xiriira saameynta qaraxa iyo dabka ka dhashay. CENTCOM waxay ku celisay in ay xiriir la samaysay markabka ay u sheegtay in aysan u baahnayn gargaar dheeri ah.

Xuuthiyiinta ayaa bayaankooda ku soo hadal qaadin weerarka Al Jasrah, iyadoo taa bedelkeeda ay soo bandhigeen beegsiga labo konteenar oo ay maamusho MSC, oo uu ku jiro mid magaciisu yahay

MSC Alanya (120,000 dwt) oo sidoo kale ka diiwaan gashan Liberia ayaa ka mid ahaa labada markab ee la beegsaday oo sidoo kale cabbir la mid ah markabka Hapag. Markabkan oo la dhisay sanadkii 2021-kii ayaa qaadi kara 11,500 oo TEU, wuxuuna ka ambabaxay magaalada Salalah ee dalka Cumaan, wuxuuna ku sii jeeday magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga.

Hay’adda MSC ayaa xaqiijisay in doonidaasi ay ku soo beegantay dooni yar oo ay ka dalbatay in aysan gelin Badda Cas. Markabka ayaa lagu amray in uu u socdo dhanka koonfureed sida ay sheegtay CENTCOM balse taa badalkeeda waxa uu u sii socday dhanka badda cas. Ma cadda halka ay ku sugan tahay wararka, waxaana MSC ay ku adkaysanaysaa in aan markabka la weerarin. Warbixinada amniga ayaa sheegaya in markabku uu qaaday tillaabooyin qarsoodi ah iyadoo CENTCOM ay sheegtay in uu sii socday dhanka waqooyi lana aaminsan yahay in uu si nabad ah ku socday.

Laamaha ammaanka iyo Xuuthiyiinta ayaa sheegay in sidoo kale ay bartilmaameedsadeen markabka MSC Palatium III (34,300 dwt), oo ah markab yar oo sidoo kale ka diiwaan gashan Liberia. Markabka ayaa ka yimid magaalada Mumbai ee dalka Hindiya wuxuuna ku sii jeeday magaalada Jeddah. Markabka MSC ayaa 23 mile dhanka koonfur galbeed kaga beegan magaalada Mokha waxaana la sheegay in lagu dhuftay mid kamid ah gantaalada. CENTCOM ayaa ku warantay in shaqaaluhu ay sheegeen in ay la dagaalamayaan dab ayna codsadeen in la caawiyo. Markabka USS Mason ayaa u jawaabayay markabka. Adeegga la socodka ee Britain ayaa sheegay goor dambe oo maanta ah in markab la rumeysan yahay inuu yahay MSC Palatium III uu aagga si nabad ah uga ambabaxay.

Share this post :

Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest

Create a new perspective on life

Your Ads Here (365 x 270 area)
Latest News
Categories

Subscribe our newsletter

Purus ut praesent facilisi dictumst sollicitudin cubilia ridiculus.