Markab dagaal ee Faransiiska oo soo riday diyaarado Drone ay lahaayeen Xuutiyiinta Yemen

Author picture

Ciidamada Faransiiska ayaa Axadii sheegay in labo diyaaradood oo nooca Drones-ka ah ay ku soo rideen badda cas, kuwaasi oo ka yimid xeebaha dalka Yemen.

Burburinta labadan diyaaradood waxaa fuliyey markabka Languedoc, kaas oo ku sugan badda cas, Taliska guud ee Faransiiska ayaa ku sheegay warsaxaafadeed.

Weerarkan ayaa dhacay xalay saacadu markay ahayd 2230 habeenimo, wuxuuna ka dhacay meel 110 km u jirta xeebaha Yemen.

Xuutiyiinta Yemen ayaa Sabtidii ku hanjabay inay weerari doonaan maraakiib kasta oo u socda dekedaha Israa’iil haddii aan cunto iyo dawo loo oggolaan marinka Gaza ee go’doonsan.

Share this post :

Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest

Create a new perspective on life

Your Ads Here (365 x 270 area)
Latest News
Categories

Subscribe our newsletter

Purus ut praesent facilisi dictumst sollicitudin cubilia ridiculus.